Marie Colvin oo maanta ku geeriyootay rasaas lees weydaarsanaayay
Wariyadii caanka ahayd ee u dhalatay dalka Maraykanka ee Marie Colvin ayaa waxaa maanta lagu dillay Magaaladda Homs ee dalka Suuriya, waxayna ku geeriyootay rasaas ay isweydaarsanayeen Ciidamadda Dowladda Suuriya iyo kooxaha kacdoonka, ee ka soo horjeeda Xukuumadda Bashaar Al Azad.
Dagaalo culus ayaa waxay ka dhaceen duleedka Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo dhinaca kalana ay dagaaladaasi ka dhasheen khasaarooyin kala duwan, ayna ka kala hadleen Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab.
Xarakada Al Shabaab oo markale ku soo rogaal celisay shacabka ka cararaaya Deegaanka Ceelasha Biyaha "Aqriso"
Kadib markii Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ay soo kubaareeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye, ayaa waxay taasi shacabka ku dhalisay inay isaga barakacaan.
Xarakada Al Shabaab oo goor dhaw fariin xasaasi ah u jeedisay shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo?
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay fariin xasaasi ah ay u jeedisay shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, kadib markii shacabka ay bilaabeen inay isaga barakacaan qeybo ka mid ah Magaaladda Baydhabo.
DEG DEG: Boqolaal ka tirsan Ciidamadda Itoobiya oo soo gaaray Degmada Luuq iyo aagaga dagaalada oo ay ku sii socdaan
Boqolaal ka tirsan Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo u soo tafa-xeetay dagaalo ka dhan ah Xoogaga Shabaab, ayaa waxay soo gaareyn Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo ee ay gacanta ku heyso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Wasiir ka tirsan Dowladda oo sheegay in Jimcaha ay ciidamadda ku tukan doonaan Magaaladda Baydhabo?
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si weyn uga hadleysaa dagaalada xilligaan ka dillaacay Gobolada Baay iyo Bakool, ee lagu doonaayo in Xoogaga Shabaab si toos ah looga saaro Goboladaasi, oo ay Dowladdu sheegtay in Al Shabaab ay dhibaato ugu geysaneyso shacabka ku dhaqan.
Maxay tahay sababta ay Xarakada Al Shabaab hawada uga saartay Idaacada Andulus
Xarakada Al Shabaab oo xilligaan dagaalo culus kala kulmeysa Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ay horkacayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo wajahday baqdin xoogan.