Kooxda Ac Milan oo ka niyad jabtay inay dib ula soo wareegto xidiga Kaka, markii Real ay diiday wax gorgortan ah
Kooxda Taliyaaniga ee Ac Milan ayaa ku guul dareysatay inay dib u soo ceshato Xidigeedii hore ee Kaka oo ka tirsan Kooxda Real Madrid ee dalkaasi Spain, kadib markii wada-hadalada labada dhinac laysku afgaran waayay.
Hamigii Milan ay ka lahayd Kaka ayaa u muuqanaaya mid riyo uun ahaa Markii horaba oo kooxda ay xiisayneysay xidigeeda hore.
AC Milan ayaa si rasmi daboolka ugu qaaday warbixin maanta soo baxday inaysan ahayn Macquul ahayn in Kaka ay dib ugu soo celiyaan magaalada Milaano ee dalka Taliyaaniga.
Gudoomiyaha kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa carabka ku dhuftay in hada iyo Wixii ka dambeeya taageerayaasha aysan been u sheegi karin maxaa yeelay buu yiri Kaka kooxda ma heli karto.
“Waa Macquul inaad bixiso qiimaha lagu rabo Kaka in ka yar oo ah €10million Lakiin Real Madrid Diyaar uma ahan inaad kala gor gortanto xaalada Ciyaaryahanka, waxaan leeyahay Kaka hada waa nin xabsi ku jira." ayuu yiri Gudoomiyaha AC Milan oo ka raja dhigay inuu Kaka kooxda ku soo celiyo.
Sida Maanta la-ogaaday Fursada uu Kaka ugu biiri karo AC Milan ayaa lagu qiimeeyay 0.001% taas oo kadhigan in Milan aysanba u dhawaanin marnaba arinta Kaka.
Warar soo baxaaya ayaa sheegaya In Xidiga reer Brazil ee Kaka ay doonayso kooxda Mareykanka ee New York Red Bulls, balse ciyaaryahanka ayaa doonaya inuu sii joogo Yurub.
Xigasho: Dhaliye.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com