Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka oo fariin xasaasi ah u diray shacabka Somaliyeed
Xilli meel xasaasi ah ay ka mareyso Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Ummada Soomaaliyeed lala-damacsan yihiin waxaysan u khalmin.
War qoraal ah oo ay goor dhaw soo saareyn Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa waxay ku sheegeen in xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya, ay la-maleygayaan inay wax badan ka bedelaan Dastuurka Qabyo Qoraalka.
“Dastuurka qoristiisa waxaanu wadnay muddo lix sano oo kaamil ah, intaas waxaan ku dadaaleynay inaan Ummada Somaliyeed u soo saarno Dastuur tayo leh, kuna saleysan Cadaalad iyo Sinaan, mana jirin cid qarashaad nagu siineysay, anaga ayaa jeebabkeena iska dabareynay” ayay yiraahdeen Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka.
“Waxaan shacabka Somaliyeed ku war-gallineynaa inaanba muddooyinkii ugu dambeysay u madax banaaneyn Dastuurka, faraha ayay sidaas ugula jireyn qaar ka tirsan Masuuliyiinta Dowladda” ayay yiraahdeen Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka.
“Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda ayaa waxay Dastuurka ay ku soo dareen, qodobo ay iyagu wataan, oo waxay doonayaan in sidaasi laga dhiggo Dastuurka, iyago meesha ka saaraaya qodobo aan horey u soo diyaarinay” ayay ku eedeeyeen Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Kmg ah ee Somaliya.
“Ummada Soomaaliyeed waxaan ku wargalineynaa in la-doonaayo in la-duudsiiyo Dastuurkii aan mudada fog ugu soo dadaaleynay, ee waxaa Ummada Soomaaliyeed laga doonayaa inay arintaasi la-socdaan” ayay sii raaciyeen.
Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida ayaa waxay sheegeen in Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, aysan u madax banaaneyn qorista Dastuurka, isla-markaana waxay sheegeen in Madaxda Dowladdu ay khasayaan, sida ay sheegeen.
Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa waxay ka kooban yihiin 15 xubnood, iyagoona qorista Dastuurka ka bilaabay dalka Jabuuti, tan iyo markii la-soo magacaabay sanadkii 2006-dii.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com