Kenya oo ka barooraneysa inay ciidamo u dirto dalka Soomaaliya “Warbixin”
Xukuumadda Kenya oo daris la-ah dalka Soomaaliya, ayaa ka wal-walsan inay ciidamo u dirto gudaha dalka Soomaaliya, bacdamaa ay wadamadaasi yihiin kuwo daris wadaag ah.
Raaisal Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo warbaahinta la-hadlaayay ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, iyo sida ay Kenya ugu diri karto ciidamo dalka Soomaaliya.
Raaisal Wasaaraha ayaa sheegay inay aad u adag tahay sidii ay ciidamo ugu diri lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya, waayo buu yiri dowladda Somaliya waxaanu nahay daris wadaag, dhawr jeerna waxaa isku dhacay buu yiri ciidamadda Kenya iyo xoogaga hubeysan, waxaana ka baqdin qabnaa ayuu yiri in Kenya la-yiraahdo waxay qabsaneysaa Soomaaliya.
Sidoo kale Mr Raila Odinga ayaa carabka ku dhuftay inaysan dhici karin ciidamo ka socdo Kenya inay aadaan dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in wadamada kale ee Afrika loo-baahan yahy inay iyagu ciidamo diraan.
Dhankale wadamada Midowga Afrika ayaa kusoo cel celinaaya in dalka Soomaaliya muddo 15 cisho ah, loogu diro ciidamo fara-badan oo ka socdo wadamada Midowga Afrika.
Si kastaba ha’ahaatee dowladda Kenya ayaa ka deyrisay xaaladda murugsan ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, waxayna carabka ku dhuftay weerar kasta oo uga yimaada dhanka shabaabka, inay iska caabin doonaan.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com