Dagaalo xoogan oo ka soconaaya magaalada Dhagax Buur ee gobolka Somali Galbeed.
Dagaalo xoogan ayaa waxay maalintii seddexaad ka soconaayaan magaaladda Dhagax Buur ee gobolka Soomaalida Galbeed, iyadoo ay dagaaladaani u dhaxeeyaan ciidamadda dalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF.
Dagaaladaan oo badanaa ka dhici jiray hawdka, ayaa wuxuu iminka ka soconaaya gudaha magaaladda Dhagax Buur, iyadoo ay geysanayaan qasaaro lixaad leh, bacdamaa ay isku adeegsanaayaan hubka cul culus.
Ila wareedyo oo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in magaaladda Dhagax Buur lagu gubay saldhig lagu tababari jiray ciidamadda dalka Itoobiya, isla-markaana waxaa halkaasi lagu dilay sarkaal sare oo tababari jiray ciidamadda dalka Itoobiya ee magaaladda Dhagax Buur.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaalada ka soconaaya magaaladda Dhagax Buur ay xoogeysteyn, isla-markaana waxaa la-sheegay in dowladda Itoobiya ay halkasi u soo dirtay diyaaraha Helicopter-ka ee u kaca qamootiga.
Dhanka kale warar iskhilaafsan ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda Jabhadda ONLF ay gubeyn taangi nooca shidaalka qaada ah, oo ay leedahay xukuumadda dalka Itoobiya, iyadoo ay halkaasi ka dhasheyn qasaarooyin lixaad leh.
Si kastaba ha’ahaatee dagaaladaan ka soconaaya magaaladda Dhagax Buur oo aad u xoogan ayaanan weli lagu kala bixin, hase ahaatee wixii warar ah ee kusoo kordha waxaanu kusoo qaadan doonaa wararkayna dambe haddii uu Rabi Idmo.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com