Mujaahidiinta Xarakada Al shabaab oo xir xiray dad fara-badan oo rayid ah “Sababtu Maxay Tahay”
Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaalo xoogan kula jirta dowladda kmg ee Soomaaliya, ayaa waxay deegaanada ay ka arrimiso yihiin kuwo si’aad ah u nabdoon, walow shacabka ku dhaqan deeganadaasi ay sheegaan in ay Shabaabku caburiyaan.
Ciidamadda maamulka Xarakada Al shabaab ee magaaladda Baardheere ayaa waxay magaaladaasi ka sameeyeen baaritaano kala duwan, iyadoo hawl-galkaasi lagu soo qab-qabtay dad fara-badan oo lagu eedeeyay kuwa wax u dhimaaya ammaanka magaaladda.
Ciidamadda Xarakada Al shabaab oo dadkaan soo qab-qabtay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan tirada rasmiga ah ay gacanta kusoo dhigeyn, iyagoo shaaca ka qaaday oo kaliya inay dad fara-badan soo qab-qabteyn.
Sidoo kale ammaanka magaaladda Baardheere ayaa si’aad ah loo ammaanay, waxaana jira shacab fara-badan oo dibadaha ka yimid, kuwaa oo qaarkood mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaaladda Baardheere, halka qaarka kalana ay u yimaadaan booqasho gaaban.
Si kastaba ha’ahaatee deegaanada ay gacanta ku hayaan Xarakada Al shabaab ayaa waxay yihiin goobo si’aad ah u nabdoon, walow dadka qaarkood ay sheegaan in Shabaabku uu shacabka caburiyo.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com