Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dagaalo xoogan kula jira dowladda kmg iyo ciidamadda Amison, ayaa sheegay in ganacsatada Somaliyed ay diideyn inay ka qeyb qaataan Jihaadka ka soconaaya buu yiri gudaha dalka Soomaliya.
Wadaadka weyn ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u waramaayay warbaahinta ka hawl-gasha magaaladda Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in ganacsatada Somaliyeed ay diideyn inay dhaqaalo iyo hub-ba ku taageeraan xoogaga hubesan ee dagaaladda kula jira dowladda iyo Amison.
Sidoo kale wuxu Sheekhu sheegay in ganacsatada ay ka gab-sadeyn sidii ay kaalin lixaad leh uga qaadan lahaayeen buu yiri, Jihaadka ka jira gudaha dalka Soomaliya, isagoo sheegay inay la jihaatamayaan dowladda iyo Amison.
Dhanka kale wadaadka mayalka adag ee Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa tibaaxay in ganacsatada ay ka baqayaan dowladaha horumaray, iyagoo baqdin ka muujiyay buu yiri, in lagu daro liiska argagaxisada.
Si kastaba ha’ahaatee su’aasha la’isweydiin karo ayaa waxay tahay, Dalka Somaliya ma-jihaad baa ka soconaaya mise fidno “Walow ay Culima’udiinka Soomaaliyeed ay horey u sheegeyn in dalka Soomaaliya uu ka jiro Fidno.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com