Dowladda kmg iyo Xisbul Islaam oo isweydaarsaday waa run iyo waa been “Warbixin”.
Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay in ciidamo ka tirsan ciidamadeyda ay ku biireyn kooxda Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo wadaadka weyn ee Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Afhayeenka wasaarada warfaafinta dowladda Somaliya C/Risaaq Maxamed Qeylow ayaa wareysi siiyay saxaafadda wuxuuna sheegay in hadalkii kasoo yeeray Xisbiga ee sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwo dowladda kmg ee Soomaaliya ay ku biireyn kooxaha kooxda Xisbul Islaam.
Mr Qeylow ayaa ku carabka ku adkeeyay inaysan jirin cid dooneysa inay ku biirto koox dhan walba ka leedata, isagoo sheegay in Xisbul Islaam uu mar dhisnaa balse uu hada ku yimid burbur xoogan.
Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka far-faahinta ayaa wuxuu kusoo aadaayaa hadal ay kooxda Xisbul Islaam ku sheegeyn in ciidamo ka tirsan kuwo dowladda ay u galeyn Xisbiga.
Si kastaba ha’ahaatee maaha markii ugu horeysay ee kooxaha ku hardamaaya gudaha dalka Soomaaliya ay ciidamo u kala galeyn, deetana ay beeniyaan.
dhacdo@hotmail.com
dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com