Xarakada Al shabaab oo gawracay Sheekh caan ka ahaa magaaladda Kismayo “Warbixin”
Maamulka Xarakada Al shabaab ee ka arrimiya magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose ayaa waxay gawraceyn wadaad caan ka ahaa magaaladda Kismaayo ee caasimadda seddexaad ee dalka Soomaaliya.
Sheekhaan ay gawraceyn Xarakada ayaa waxaa lagu magacaabaa Shiikh Mustafa Cali Caanood, waxaana la-sheegay inay Xarakada ka soo qabteyn masaajid ku yiilay magaaladda Kismaayo oo uu casharo Diini ah uu ku siinaayay qaar ka tirsan dhalinyarada reer Kismaayo, deetana Shabaabka ayaa masaajidka kala baxay Sheekha iyo dhamaan dhalinyaradii uu casharada siinaayay.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Sheekha iyo dhamaan dhalintii uu casharada siinaayay in lagu xiray xabsi kamid ah xabsiyadda ku yaalla magaaladda Kismaayo, dhawr habeen kadib ayay Xarakada Al shabaab Sheekha oo kaliya kala baxeyn xabsigii uu dhex jiifay, iyagoo la-aaday dhanka duleedka magaaladda Kismaayo, waxaana la-sheegay xilligii ay wadeyn inay indhaha ka xireyn, markii ay gaareyn goobtii ay doonayeen ayaa la-sheegay inay halkaasi ku bireyeen, dharkii uu xirnaa ayaa loo-keenay afadiisa iyo caruurtii uu dhalay iyagoo ku war geliyay Samir iyo iimaan inuu Alle ka siiyo.
Dhanka kale afadii uu qabay Sheekha ayaa Xarakada ka codsatay meydkiisa uun inay u ogolaadeyn, halka ay iyana si jees jees leh ku yiraahdeen “waqti dhamaaday ceeb laguma sabootiyo”.
Isku-soo wada-duuboo wax yaabaha qaar ay sameynayeen Xarakada Al shabaab ayaanan loo-dul qaadan karin, iyagoo ku daba qaraabta Diintayna Suuban ee Islaamka.
dhacdo@gmail.com
dhacdo@hotmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com