| Radio |
Click on a category to chose your favorite kind of radio
|
|
| Daawo Sawirada: Raa'isal Wasaare Saacid oo markiisii ugu horeysay tegay Magaalada Baladweyne |
Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay maanta muujisay soo dhaweyn wanaagsan, oo ay u sameysay Masuuliyiintii Xukuumada Somaliya ka socotay ee booqashada ku tegay.
|
| Raa'isal Wasaare Saacid oo ka hadlay ka noqoshada Xildhibaanada ee mooshinka & Arrimaha Jubbooyinka |
Raa'isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid", ayaa wuxuu ka hadlay xaalada arrimaha Jubbooyinka ka taagan iyo weliba Xildhibaanada Baarlamaanka, oo Arbacadii ka laabtay mooshinkii ay ka keeneen Xukuumada.
|
| Dilal kala duwan oo ka dhacay Degmooyinka Garissa, Dhadhaab iyo Wajeer ee dalka Kenya |
Dilal siyaabooyin kala duwan u dhacay ayaa waxay ka dhaceen Degmooyinka Garissa,
Dhadhaab iyo Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. |
| Garoonka Diyaaradaha ee Axmed Gurey oo si rasmi ah loo furay & dhoofinta dhuxusha oo Kismaayo ka bilaabatay |
| Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay Garoonka Diyaaradaha Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo, iyadoo dhinaca kalana ay Magaaladu ka soconeyso daabuleynta dhuxusha, oo laga dhoofinaayo Dekeda weyn ee Magaalada. |
| Dil toogasho oo lagu xukumay raggii ka dambeeyay dilka Sheekh C/qaadir Gacamey |
| Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ee Gobolada Mudug, Nugaal, Sool iyo Cayn, ayaa waxay xukun dil toogasho ah ay ku riday, ilaa todobo nin oo dhalinyaro ah. |
| Axmed Inji "Nabadoon Xuseen Toori waxaa lagu dilay, isagoo adeer ii ah. Si xun ayay u dileen isaga iyo wiil uu dhalay." |
| Axmed Cabdalla Cusmaan "Axmed Inji" ayaa wuxuu si kulul uu u cambaareeyay fal Arbacadii lagu gawracay nin adeer u ah iyo wiil uu dhalay, oo lagu gawracay Deegaanka Duduma qaris ee Gobolka Hiiraan. |
| Prof. Xasan Sheekh "Madaxweyne Aadan Cadde ayaa kamid ahaa Madaxdii saxiixay jaatarka Midowhga Afrika" |
Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta ka qeyb galay Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, oo lagu taageeraayay aas aaska Ururka Midowga Afrika.
|
| Xoogaga Shabaab oo lix ruux qafaashay, markii ay wadada u galeen |
| Xoogaga Shabaab ayaa waxay lix ruux ka qafaasheen inta u dhaxeyso Degmada Ceelwaaq iyo Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo. |
| Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo booqasho ku joogga dalka Sacuudiga "SAWIRRO" |
| Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa booqasho ku jooga Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana uu uga sii gudbi doonaa Caasimadda Riyadh si uu ula kulmo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sucuudiga. |
| Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho |
Banaanbax lagu taageeraayo dib ula noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya ee mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumada Saacid iyo sanad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Midowga Afrika, ayaa wuxuu maanta ka dhacay
Magaalada Muqdisho. |
| Askari British ah oo lagu dilay Magaalada London "Daawo Sawirada" |
Wararka ka imaanaya Magaalada London ee dalka Uk ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Uk lagu dilay xaafad ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi.
|
| Tarsan "Weli isbaarooyin ayaa yaala Gobalka Banaadir oo qaarkood maleeshiyaad ay dhigteen" |
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay rag uu sheegay in isbaarooyin ay uyaalaan Magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsan Dowladda inay isugu jiraan.
|
| Ciidamada Al-Shabaab iyo ciidanka New Police oo dagaalamay iyo khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay |
| Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan duleedkeeda dhanka waqooyi ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa New Police ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa ku dagaalamay deegaan qiyaastii 50-km ujirta Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan. |
| Miino lagu arkay Buundada Xamar jajab iyo ciidamo Booliis ah oo isku gadaamay,xirayna wadada |
Ciidamo Booliis oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray nawaaxiga buundada Degmada Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir halkaasi oo la sheegay in waxyaabaha qarxa lagu arkay.
|
| Dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ciidan |
Dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ka dhan ah ka shaqeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo sidii ciidanka loo horumarin lahaa.
|
| Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Saraakiil kale oo gaaray Ceelbuur, xilli dagaalo laga cabsi qabo (Warbixin) |
| Xilli khilaafaad daran uu ka dhex taagan yahay hogaanka sare ee Al Shabaab, ayaa waxaa Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud gaaray Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Saraakiil kale. |
| Al Shabaab oo nin sarifle ahaa ka qafaalatay Degmada Baardheere |
| Ciidamada Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab ayaa waxay maanta nin dhalinyaro ah, ay ka qafaasheen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. |
| Xildhibaano badan oo Madaxda ku dhaleeceeyay inay kala fur fureyn Xildhibaanadii mooshinka soo gudbisay |
Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya ayaa waxay qaarkood si kulul u sheegeen, in maanta ay Magaalada Muqdisho ka dhacday wax aad iyo aad u xun.
|
| C/Raxmaan Xoosh Jabriil “Waa lama huraan inuu dagaal ka dhaco Magaalada Kismaayo” |
Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ee Xukuumadii hore C/raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa wuxuu sheegay inaysan waxaan wanaagsaneyn ka soo muuqanayn Magaalada Kismaayo.
|
| Agaasimihii Nabad Suggida oo markale si kulul u weeraray Madaxweynaha, R. Wasaaraha & Prof. Jawaari |
| Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka Axmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu markii 2-aad uu si kulul uu u dhaleeceeyay hogaanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya. |
| Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan oo maanta doortay hogaan cusub, markii la dilay Nabadoon Maracade |
| Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay maanta soo doorteen hogaan cusub, wixii ka dambeeyay tan iyo markii 27-kii bishii November ee sanadkii hore la dilay Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Xaaji Xuseen "Maracade". |
|
| Login |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
 

| Shoutbox |
|
You must login to post a message.
|
|