General Sheekhuna oo midab kale u yeellay Ciidamadda Dowladda ee joogga Magaaladda Baydhabo “Aqriso”
Tan iyo markii Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya General Sheekhuna Maye uu taggay Magaaladda Baydhabo, ayaa wuxuu isbadel uu ku sameeyay hanaankii Ciidamadda Dowladda ay uga hawl-gallayeen Magaaladda Baydhabo.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee joogga Magaaladda Baydhabo ayaan la-kala aqoon noocyada ay yihiin, bacdamaa Ciidamadda Milatariga, Booliska iyo kuwa Ilaalada Gaarka ah ay wateen hal dareys oo isku eg.
Balse taasi maanta way ka duwan yahay jawiga ay Ciidamadda Dowladda uga hawl-gallayaan Magaaladda Baydhabo, waxaadna arkeysaa in Ciidamadda Boolisku ay wataan dareys u gaar ah, Ciidamadda Milatariguna ay wataan dareyskii lagu yaqaanay, halka kuwo Ilaalada Gaarka ahna ay yihiin kuwo midab cusub wata.
General Shariif Sheekhuna Maye oo horeyba u sheegay in uu Magaladda Baydhabo uu u tagay, sidii uu ammaanka uu ugala hadli lahaa Saraakiisha Dowladda ee joogga, waxna uga badeli lahaa hanaanka ay ku shaqeeyaan Ciidamadda Dowladda, ayaa waxaa soo shaac baxday in uu taasi uu ka dhabeeyay.
Jananka ayaa wuxuu dareys gaar ah uu siiyay Ciidamadda Booliska, isagoona sheegay inay Boolisku qaadan kareyn dareyska u gaarka ah Ciidamadda Milatariga, taasoo ka dhigtay in Ciidamadda Boolisku laga dhex aqoonsado kuwo Milatari.
Ciidamadda Booliska iyo Milatariga oo maanta hawl-gallo ka sameeyay Xaafadaha Horseed iyo Bardaale ee Magaaladda Baydhabo, ayaa waxay ishu qabaneysay sida ay u kala duwan yihiin, amab durbaba loo-kala saari karo.
Shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, ayaa waxay ku sheegayaan in maanta isbadel weyn laga dheehan karaayo hanaanka Ciidamadda Dowladda Kmg, ay uga hawl-gallayaan Magaaladda Baydhabo.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ma dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com