Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu qab qabtay Degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho oo loo-soo gudbiyay
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo Talaadadii la-wareegay gacan ku heynta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxay maanta ku qab qabteen dagaal-yahano la-sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay hawl-galo ballaaran ay maanta ka sameeyeen Degmada Balcad, ka gadaal markii lagu tuhmay inay ku sugan yihiin rag taabacsan Xarakada Al Shabaab, waxayna ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan raggii la-tuhunsanaa.
Ragga ay soo qab qabteen Ciidamadda Dowladda ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay ilaa 21 nin oo ay Saraakiisha Dowladdu sheegeen inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, waxaana loo-soo gudbiyay Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda ee Degmada Balcad.
Abuukar Maxamed Buurow oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga ee Dowladda Soomaaliya ee Degmada Balcad ku sugan, oo goor dhaw la-hadlay Saxaafadda ayaa wuxuu faah faahin uu ka bixiyay ragga ay gacanta ku soo dhigeen.
Abuukar Maxamed Buurow ayaa wuxuu sheegay in raggaan oo ay tiradoodu dhan tahay ilaa 21 nin, ayaa wuxuu sheegay inay ku tuhmayaan inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, loona gudbiyay sida uu yiri Magaalada Muqdisho.
Ujeedadii ka dambeysay in loo-soo gudbiyo Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay, in iyadoo lagu sameynaayo buu yiri baaritaano, laguna kala xaqiijinaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin in kale, sida uu sheegay.
Haddii ay Shabaab ka tirsanaayaan ayaa wuxuu ku goodiyay in Sharciga lagu qaadi doono, cidii aan Shabaab ka tirsaneyn ayaa wuxuu sheegay inaysan wax dambi ah laheyn, leeskana sii deen-doono, maadaama buu yiri aysan Al Shabaab ka tirsaneyn.
Si kastaba ha-ahaatee Abuukar Maxamed Buurow ayaa wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay suggaan ammaanka Degmada Balcad, ayna la-dagaalamaan Xarakada Al Shabaab oo uu ku eedeeyay mid shirqoolo maleygeyso.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com