Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su'aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.
1-Su'aal, Sheeg meeshay aheyd meeshii ay aayada Quraanka ugu horeesay ay ku soo degtay?
1-Jawab, waa godkii Qaarul Xiraa.
2-Su'aal, sheeg imisa sano ayuu Quraanka soo degaayey?
2-Jawab, Wuxu soo dagaayey 23 sano.
3-Su'aal, Sheeg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?
3-Jawab, Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi qaadaaya.
4-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?
4-Jawab, wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).
5-Su'aal, Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay Quraanka soo degaaya uruuriyaan?
5-Jawab, Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan iyo Afartii Khaliif.
6-Su'aal, Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?
6-Jawab, Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).
7-Su'aal, Sheeg sababtii kaliftay in Quraanka la'isu soo aruuriyo maxay ahayd?
7-Jawab, Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaneyd oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo Yamaama markaa waxaa laga baqay in Quraanka lumo, sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.
8-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay Quraanka?
8-Jawab, Abuu bakar (RC) Wuxu madax uu uga dhigay Asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.
9-Su'aal, Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?
9-Jawab, waa Cusmaan Bin Cafaan iyo RUkhiya muxammed rc.
10-Su'aal, Sheeg maxay kala yihiin Muhaajiriin iyo Ansaar?
10-Jawab, Waxay kala yihiin labo (2) 1- Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii Maka ka timid oo timid Madiina. 2-Ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid
11-Su'aal, sheeg buurta Africa ugu dheer magaceeda?
11-Jawab, Buurta africa ugu dheer waxa ladhahaa Kalaminjaara.
12-Su'aal, Sheeg Buurta kalaminjaara oo ah buurta Africa ugu dheer halka ay ku taalo?
12-Jawab, Buurta Kalaminjaaro waxay ku taalaa xadka Tanzania iyo Kenya.
13-Su'aal, Sheeg wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
13-Jawab, waa Dayaxa.
14-Su'aal, Sheeg goorma ayuu geeriyooday Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?
14-Jawab, Sayid Maxamed Cabdule Xasan wuxu uu geeriyooday sanadkii 1921-kii.
15-Su'aal, Sheeg wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro?
15-Jawab, waa Soomaaliya, waxaana lagu soo weeraray xilligii Sayidka.
16-Su'aal, Sheeg meeshii ugu horeysay oo Soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?
16-Jawab, waa Degmada Taleex ee Gobolka Sool, Waxaana lagu weeraray xiligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, uu dagaalada adag kula jiray gumeystihii cadaa ee Ingiriiska.
17-Su'aal, Sheeg dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo England (British) sanadkii uu bilowday?
17-Jawab, Wuxu bilowday sanadkii 1900.
18-Su'aal, Sheeg Gobalka ugu weyn Soomaaliya?
18-Jawab, Gobalka ugu weyn Soomaliya waa weeye Gobalka Bari, Xaruuntiisuna waa Boosaaso.
19-Su'aal, sheeg wadanka Afrika ugu dhulka ballaaran?
19-Jawab, Wadanka afrika ugu dhulka balaaran Waa wadanka Suudaan (Sudan).
20-Su'aal, Sheeg Sadaam Xuseen oo ahaa madaxweynihii hore ee Ciraaq sanadkii uu dhashay?
20-Jawab, Sadaam xuseen wuxu dhashay 28-kii bishii April ee sanadkii 1937-kii.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
|