Nin Muslim ah oo noqday ninka caalamka ugu murqaha waaweyn “Daawo Sawirada”
Nin Muslim ah ayaa waxaa loo-aqoonsaday in uu yahay ninka caalamka ugu murqaha waaweyn, gaar ahaan ninkaan ayaa waxaa loo-aqoonsaday in uu yahay ninka sanadka 2012-ka ugu heysto murqaha dunida.
Mustafa Ismail oo u dhashay dalka Masar ayaa waxaa loo-aqoonsaday in uu yahay ninka ugu murqaha waaweyn caalamka sanadka 2012-ka, sida ay shaaciyeen Kooxaha wax ku qora Buugga Rikoorada Adduunka ee Guinness World Records.
Mustafa Ismail ayaa waxaa laga diiwaan geliyay Buugga Rikoorada Adduunka, waxaana loo-aqoonsaday in sanadkaan uu yahay shakhsiga ugu murqaha waaweyn Caalamka.
Mustafa Ismail oo shantii sano ee la-soo dhaafay ku noollaa dalka Maraykanka, ayaa waxay dhirarka murqihiisu ay gaarayaan 80cm, waxaana la-sheegay inaysan wax dhib badan ku ahayn in uu sare uu u qaado 227kg.
Inta badan dadka ayaa waxay Mustafa Ismail ay u yaqaanaan Big Mo, iyadoo dadka qaarkoodna ay ugu yeeraan kii murqaha waaweynaa, kolka uu maraayo wadooyinka amaba uu gaarigiisa wato.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com