Jaamacada UniversityTechnology Malaysia-UTM- (Technological University of Malaysia) waa jaamacadda ugu da’da wayn dalka Malaysia marka la laga hadlaayo barida handasada (injineernimada) iyo tiknoolojiyada. Inkastoo Jaamacada aad caan ugu tahay handasada iyo tiknoolajiyada, hadana waxay leedahay kuliyado kale oo lagu barto Sayniska, waxbarashada/tarbiyada, maamulka iyo kuliyado kale.

Jaamacada waxaa la aasaasay sanadkii 1904 iyadoo markaas ahayd kuliyad yar oo loogu talagalay in wixii teknikal ah ay ka caawiso shaqaalaha tareenada dalka laga dhisay xilligaas. Hase ahaatee sanadkii 1975 ayaa si rasmi loo-siiyay aqoonsi jaamacadeed. Website-ka Spanish-ka ah (Webometrics Ranking of World Universities) ee qaabilsan wax ka ogaanshaha tayada jaamacadaha adduunka ayaa sheegay in jaamacadda UTM ay tahay jaamacadda 15-aad ee ugu fiican Bariga iyo Koonfurta Asia.
Kuliyadaha ay bixiso jaamacada waxaa ka mid ah kuliyada handasada noocyadeeda oo idil, jaamacadan ayaa ah jaamacada kowbaad ee ugu tayada fiican dhanka injineernimada dalka Malaysia oo dhan. Waxaa kale oo ay bixisaa tarbiyada, cilmiga computerka, Nidaamka macluumaadka (Information systems), handsada noolaha, (bio-medical engineering), dhismaha, handsada kiimikada (Chemical Engineering), ganacsiga, tiknoolajiyada, daraasaadka Islaamka, Hormurka bulshada iyo kuliyado khaas u ah ardayda baranayso mastareedka iyo PHD-ga. Kuliyadaas ayaa waxay ku qalabaysan tahay agabkii ugu danbeeyay ee jaamacadda.

Jaamacadaan ayaa waxaa si’aad ah looga amaanaa wadamada caalamka qaarkood, iyadoo qofkii kasoo baxaa jaamacadaan lagu tilmaamaa in uu yahay aqoon-yahan aqoontiisa sareyso. Jaamacadaan waxaa dhigta Arday bara-badan oo ajaaniib ah, kuwaasoo xilliyada qaar ay jaamacadda fursad u siiso bal in’ay soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka laga isticmaalo wadamada ay ka yimaadeen, waxaase kamid ah Ardayda Somaliyadeed ee jaamacadaan waxbarashada u joogta.
Hadada waxaa ii suurta gashay inaan wareysi dhinacyo taabanaayo la-yeesho mid kamid ah Ardayda Soomaaliyadeed ee jaamacadaan waxbarshada qeybta Master-ka ah ka diyaariyso, kasoo lagu magacaabo Daahir Cabdi Gacal, waxaa wax ka weydiiyey , inta ay yihiin Ardayda Soomaaliyadeed ee Jaamacadaan waxbarashada u joogta, hase yeeshee wuxuu i sheegay isku cel-celis tiradooda in’ay tahay 130 Arday oo Soomaali ah, xaqiiqdii aad bay u badan yihiin marka loo-eego jaamacadaha kale ee ka jira dalka Malaysia.

Waxaan kaloo wax ka weydiiyay, cidii dooneysa in’ay jaamacadaan iska-soo diiwaan geliso bal sharuudaha laga doonaayo. Wuxuuse i sheegay in laga doonaayo afar sharuudood kuwaasoo kala ah. 1-Shahaadada Dugsiga sare oo copy ah, 2-Basaboorka oo dhamaantiisa oo Copy ah. 3-Sawiro teesaro ah (Size of Passport) 4-iyo lacag gaareysa 30 dollar oo lagu xareynaayo jaamacadda.
Sidoo kale waxaan wax ka weydiiyey Mr gacal xilliyada ay jaamacadda Ardayda ay xareyn karaan, wuxuu yiri “ Ardayda diyarineysa GEGREE waxay xareyn karaan bisha Febraayo, si’ay jaamacadda u qaadato Bisha Luulyo”. Wuxuu kaloo intaasi ku daray ardayda diyaarineysa Master-ka in’ay jaamacadda qaadan karto bilaha Luulyo Desember.

Iskusoo wada-duuboo Ardayda ajaaniibta ah ee jaamacadda wax ka dhigata ayaa waxay ka kala yimaadeen sida:- Somalia, Sudan, China, Indonesia, Nageria, Libya, Yemen, Iraq, Iran, kasekhistan, Russia, Turkey, Syria, Emirates, Oman, Germarny, France, Chad, Cameroon, Algeria, Myanmar, Thailand, iyo kuwo kale oo aan meeshaan kusoo koobi Karin.
Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
laacib143@hotmail.com
Wixii macluumaad intaas dheer kala xiriir Mudane Maxamed Suubiye 0060173104037 E-mail: msuubiye@hotmail.com
|