Maxaad Ka Taqaanaa Jaamacadda UTHM ee Dalka Malaysia, War-bixin Kooban oo Laga Diyaariyey (Daawo Sawirada).
Jaamacada UTHM oo loogu magac daray Ra'iisul wasaarihii sedexaad ee dalka Malaysia Hussein Onn ayaa waxaa la furay sanadkii 1993 iyadoo wixii intaa ka horeeyay ay ahayd college lagu barto cilmiga teknikaalka. 2006-dii ayay wasaarada waxbarashada siisay aqoonsi jaamacadeedka iyadoo laga badalay college-jaamacadeed.
Jaamacada waxay ku taala gobolka wayn ee Johore, kaas oo daris la ah dalka Singapore. Waxay bixisaa kuliyado ay ka mid yihiin handasada (injineerin) electariga, handasada soo saarka, handasada bay'ada, handasada mekaanikada, handasada dhismaha. iyo kuwa la mid ah. Waxay sidoo kale jaamacada bixisaa kuliyado ay ka mid yihiin teknoolajiyada, aqoonta teknikaalka, maamulka teknoolajiyada, macluumaadka iyo multimediyaha.
Jaamacada waxay leedahay guryaha ay ardayda dagaan iyo dhamaan agabka loogu tala-galay waxbarashada iyadoo takhasuska uu yahay handsada, teknoolajiyada iyo teknikaalka. In ku dhow 8, 000 ayaa arday ka ah jaamacadda. Qaadashada jaamacada waa mid ku xiran wasaarada waxbarashada dalka Malaysia, taasi semesterka hore ee dhamaado bisha afaraad ee April halka qaadashada labaad ee semesterka labaad uu dhamaado bisha November. isla jaamacadda iyadoo ruuxii doonayo jaamacadda uu waraaqihiisa gaysan karo xafiiska waxbarashada ee jaamacadda.
Jaamacadaan ayaa waxay jaamacadaha kale ee ka jira dalka Malaysia kaga duwan tahay
Badanaa maadooyinka ay bixiso oo dhan ayaa waxay u badan yihiin dhanka Injineerinka.
Jaamacadda labaad ee soo raacdana waa Jaamacadda la-yiraahdo University Technology Malaysia (UTM.
Qiimaha jaamacada ayaa ah mid aad u jaban, Arday walbana waa qiimo uu ku qanci karo, sidoo kale Jaamacadda waxay lee-dahay ama ay awoodaa Arday walbo oo ay aqbasho iney guri ay leedahay dejiso.