Maxaad Ka Taqaanaa Jaamacadda Unisel ee dalka Malaysia, warbixin kooban oo laga diyaariyay + Sawiro
Jaamacada UNISEL waxay ku taallaa magalada Shah Alam oo ah magaalada ugu warshadaha badan ee dalka Malaysia. Magaaladan ayaa waxay wax yar u jirtaa xarunta dalka Malaysia ee Kuala Lumpur iyadoo lagu tagi karo bas ama tareen.
Jaamacadaan ayaa waxaa la-aas aasay sanadkii 1999-kii, wixii xilligaas ka danbeeyay waxay noqotay jaamacad aad u baaxad weyn, iyadoo waxbarasho looga soo raadsado wadamo badan oo caalamka ku yaalla.
Jaamacadaan ayaa waxaa dhigta kumaakun oo Arday ah, kuwaasoo iskugu jira kuwo u dhashay dalka Malaysia iyo kuwo kala yimid wadamo badan oo caalamka ka tirsan.
Unisel oo aad loo-jecel yahay ayaa waxay bixisaa kuliyada muhiim ah, waxaana laga xusi karaa kuliyada ay bixiso.
Dhanka kale Jaamacadaan ayaa waxay lee-dahay laba xaruumood, walow xaruunta weyn ee ku taallo magaaladda Shah Alam ee gobolka Selangor, halka xaruunta kalana ay ku taalo meel aanan sidaasi uga sii fogeyn xaruunta weyn oo lagu magacaabo Bestari Jaya.