Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda UUM ee dalka Malaysia warbixin kooban oo laga diyaariyay Daawo Sawirada.
Jaamacada Waqooyiga Malaysia (UUM) waa jaamacad weyn oo la-aas aasay 1984, waxayna ku taalaa waqooyiga Malaysia, xadka ku dhaw dalka Thailand. Jaamacadan ayaa sidoo loo yaqanaa Jaamacada Maamulka maadaamo inta badan kuliyadaheeda ay u badan yihiin maamulka iyo aqoonta.
UUM waa jaamacada kaliye ee dalka Malaysia ee Guddiga Isgaarsiinta dalka Malaysia siisay shahaadada aqoonta sare ee maamulka computerada. Jaamacadan ayaa sidoo kale caan ku ah dhismoyaal qurux badan iyo dhul cayaareed nooc walbo oo cayaar ah oo laga helo.
Kuliyadaha ay bixiso jaamacadda UUM ayaa waxaa laga xusi karaa,
Jaamacada ayaa sidoo kale bixiso waxbarashada sare ee Masterka iyo PHD-ga oo qiimaha lagu dhigtaa ay u jaban tahay. Waxay sidoo kale leedahay Xarumo badan oo la shaqeeya jaamacadaha kale ee dunida ku yaalla.
Waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu waaweyn ee dalkaasi Malaysia, waxayna ku taalaa meeshii laga soo dooran jiray Raisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Dr Mahathir Mohammed.