| Radio |
Click on a category to chose your favorite kind of radio
|
|
| Iimaan Cadoow Kaarshe oo ka hadlay dilkii Shabaab ay ku fuliyeen Cali Ibraahin Macalin Isaaq |
| Maamulka Degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay ruux Shabaab ay dhawaan ku dileen Degmada Baardheere ee Gobalkaasi. |
| Shirkada SKA oo faah-faahin ka bixisay dil uu geestay mid kamid shaqalaheeda |
Kadib markii dhawaan mid kamid ah shaqaalaha Shirkada SKA uu muwaadin Soomaaliyeed ku dilay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta shirkada SKA waxa ay faah-faahin ka bixiyeen arintaasi.
|
| Weerar khasaaro geestay oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Baydhabo iyo saraakiisha oo ka hadlay |
| Saddex ruux ayaa geeriyootay tiro kale oo intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Shabaab ay ku qaadeen xaafado kamid ah Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay. |
| Dowladda oo wada hirgelinta qorshe taleefoonada shaqsiyaadka lagu dhageysanayo |
Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ogolaanaya in la dhageesto telefoonada moobeelka ee ay isticmaalaan dadweynaha si Dowladda ay uga hesho xoga ku saabsan dhanka ammaanka dalka.
|
| Mid kamid ah Ciidamada Militariga oo dil bareer ah u geystay nin dukaanle ahaa |
| Askari ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu gelinkii dambe ee maanta uu nin ganacsade ahaa, uu ku dilay Deegaanka Lafoole ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. |
| Ciidamada Sierra Leone oo caawa 2 ruux ku dhaawacay Magaalada Kismaayo, xilli ay maxaabiis wadeen |
| Ciidamada Dowladda Sierra Leone ee qeybta ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay Maqribimadii caawa ay laba wiil ku dhaawaceyn Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. |
| Nin Camera Man oo aroos duubaayay, oo ka dhacay gaarigii uu la socday, kuna geeriyooday bartii uu ku dhacay |
| Mid kamid ah ragga ku shaqeysta duubista cajaladaha aroosyada ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu casir liqii galabta uu ka dhacay gaari uu la socday, xilli uu duubaayay aroos la galbinaayay. |
| Suldaan Deeqow Suldaan Buul oo Xildhibaanada Kenya u jeediyay inay faraha kala baxaan arrimaha Jubbooyinka |
| Gudoomiyihii hore ee dhaq dhaqaaqa Xoogaga NFD Suldaan Deeqow Suldaan Buul, ayaa wuxuu Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, uu ugu yeeray inay faraha kala baxaan arrimaha Jubbooyinka. |
| Shir looga hadlaayay arrimo badan oo maanta ka dhacay Magaalada Marka |
| Shir uu soo qaban qaabiyay Maamulka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu maanta ka dhacay Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka. |
| Ciidamada Kenya oo Magaalada Nairobi ku dilay, nin la sheegay inuu Shabaab ka tirsanaa |
| Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya ayaa waxay maanta hawlgalo ka fuliyeen Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, gaar ahaan halka loo yaqaano Section Three. |
| Sarkaal ka tirsan Dowladda oo sheegay inay nolosha ku soo qabteen seddex nin oo Shabaab oo dhaawac ah |
| Ka gadaal markii Xoogaga Shabaab ay weeraro qorsheysan xalay ku soo ekeeyeen Deegaanka Goof Gaduud, ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayay Ciidamada Dowladda iyo Amisom gacanta ku dhigeen, seddex nin oo Shabaab ah. |
| Banaanbax ballaaran oo maanta ka dhacay Magaalada Guriceel iyo General Galaal oo ka hadlay |
| Boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay isugu soo baxeyn barxada weyn ee Saalax Balaasa, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin Muwaadinka Somaliyeed, ee dhagaxa loogu dilay Koonfur Afrika. |
| Madaxweynaha, Raa’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la wada tallaalay "Daawo Sawirada" |
| Kadib markii dhowaan la ogaaday in cudurka dabeesha uu ku dhaco dadka qaangaarka ah ee Soomaalida ku sugan, ayaa waxay Madaxda Dowladdu garowsadeen, sidii cudurka dabeesha looga hortaggi lahaa, kahor inta aanu dadka waaweyn wada aafeyn. |
| Rag loo soo qab qabtay dilka Taliyihii Ciidamada Booliska ee Degmada Hobyo |
| Maamulka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lala xiriirinayo inay ka dambeeyaan dilkii loo geestay taliyihii ciidanka Booliiska ee Degmada Hobyo. |
| Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo sheegay in ragga ay is-guursan karaan “Dhageyso codka Xildhibaanka” |
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay is-guursan karaan ragga, haddii ay ku heshiiyaan.
|
| Booliska Somaliya oo xabsiga dhigay nin South Africa u dhashay, markii uu dilay Muwaadin Somaliyeed |
| Muwaadin udhashay dalka South Afrika oo dhawaan Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed,ayaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa ay ku xireen magaalada Muqdisho. |
| Iftiin Xasan Baasto iyo C/naasir Seeraar oo sheegay in dagaalkii Kismaayo uu istaagay |
| Maamulka Raaskaambooni ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu dhamaaday dagaalkii Magaalada Kismaayo ka socday ee udhaxeeyay ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa Iftiin Xasan Baasto. |
| Generaal Saacid oo shaaciyay qorshaha ciidanka Booliiska ay ku shaqeyn doonaan |
| Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qorshe cusub loo diyaariyay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kaasi oo ay ku shaqeyn doonaan mudada afarta sano ee soo socota. |
| Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo dhalinyarada kala soo baxaya xaafado ka tirsan Muqdisho |
| Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa howlgalo guri guri ah waxa ay saaka ka wadaan Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir oo xalay saqdii dhexe ay ka bilaabeen howlgalka. |
| Wasiirka Gaashaandhiga oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho iyo Saxaafada oo uu la hadlay |
| Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Somaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wefdigiisii ku sugnaa Magaalada Kismaayo, ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho. |
| Odayaasha Dhaqanka ee Jubbooyinka oo sheegay inay u istaageen dhameynta colaadaha Magaalada Kismaayo |
| Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay sheegeen inay waan-waan ka dhex wadaan dhinacyadii ku dirirtay Magaalada Kismaayo. |
|
| Login |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
 

| Shoutbox |
|
You must login to post a message.
|
|