Horta somalia markan aniga xukumi lahaa ayaa dhiman markeyga hadey iso marto fursadas aniga iyo marwadeyda waxan adi laheyn dibada si an u so helno dolar anago ku qarabaneyna magaca somali kuxkuxkuxku
Anisa
07/09/2010 15:57
Asc maxamed jacelow wa runta walakay intena wax garadka ah aynu wax ka qabano
Maxamed jaceelow
07/09/2010 15:42
Asc dhamaan umada somaliyed inta dhig damqanaayo leh way fahansanyihiin cida mas'uulka ka ah gumaadka shacabkena ee an hurdada ka kacno oo an u istaagno in an badbadinaa shacabka intisa hartay (m.
Henry Kerr oo ah oday u dhashay dalka Ingiriiska ayaa guursaday haweenay 87 jir ah, iyagoo noqday labadii ruux ee ugu da’da weynaa abid ee iska guursada dalkaasi Ingiriiska.
Odaygan ayaa xaaskiisa oo lagu magacaabo Valarie Berkowitz kula kulmay meel uu dadka da’da weyn ugu dhigi jiray gabayga iyo cashiro guud isagoo isla markiiba jeclaaday duqdan, bilaabayna inuu u diro waraaqo iyo gabayo jaceylka ku saabsan. Wuxuu sidoo kale kala sheekaysan jiray netka.
Mar uu saxaafada la hadlay ayuu oday Kerr sheegay inuu kol hore guur ka dalbi lahaa haweenaydaan haddii aan ogahay buu yiri inay “gabadhan” yar ay aqbali laheyd, oday anoo kale ah, isagoo aad u amaanay xaaskiisa, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay la kulankeeda.
Intii ay sheekada u socotay ayay ogaadeen inay labadoodaba ku noolaan jireen Koonfur Afrika, intii aysan usoo guurin dalka Ingiriiska.
Wuxuu sheegay in markii ay isfahmeen uu arkay odayaashii kale oo si hoos xamanaya balse taasi ayaan nagu dhalisay buu yiri inaan isu soo dhawaano.
Dhankeeda Valarie ayaa sheegtay in markii ay Henry ay aragtayba ay jeclaatay maadaama bay tiri uu yahay nin fur furan misana aqoon leh, iyadoo mucaashiqiintaan ay yihiin laba ruux oo waayeelo ah, waxayna shaqada ka fariisteyn kal-hore.
Henry wuxuu ahaan jiray xisaabiye qaabilsan maalgalka bangiyada, halka Valarie ay ka ahayd saynisyahan.
Waxay horay u dhaleen caruur gaaraysa 6, waxayna wada leeyihiin 19 caruur oo ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin iyo kuwa kale awoow iyo ayeyo labaad ay u sii yihiin. Valarie ninkeedii ugu horeeyay ay caruurta u dhashay wuxuu dhintay 6 sano ka hor.
Labadan oo ku nool meelaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelada ah, ayaa wali ku noolaan doona guryihii ay daganayeen. Waxaana la-siiyay labo qol oo isku dhigan oo mid ay jiif ka dhigteen midka kalena ay qol akhris (maktabad) ka dhigteen.
Daawo Sawirada
Wariye C/Laahi Saxardiid
Kuala Lumpur Malaysia
Isha Dhacdooyinka Caalamka
Dhacdo.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com