Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, waxaana lagu kala magacaabo Cadde iyo Sundus, Cadde ayaa xiriir lasoo sameeyay Waria-yaasha Barnaamijka Xiisaha Badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadda Caalamiga ah ee Dhacdo.com.
Waxay sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1980-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Massal oo ku yaalay agagaarka 21 oktoobar ama KM4 ee degmada Waaberi.
Sidoo kale Sundus waxay ila dhigan jirtay iskuulka Al Massal, hase ahaatee gabadhaasi waxaa isku baranay, maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaa isku aragnay suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha, muuqaal ahaan waanu is-naqaanaa balse aqoon gaar ah iskuma lihin.
Geesinimo intaan iska raadiyay ayaa waxaa u dhaqaaqay dhankii ay joogtay Sundus, isla-markaana waxaa u guur galay inaan salaamo, salaan kadib ayaa is-wareysanay, nasiib wanaag waxaa ii suurta gashay inaan ka qaato teleefankii xilligaa ugu jiray gurigooda, maadaama ay aad u adkeyd sanadkii 2002-dii in magaaladda Muqdisho laga isticmaalo teleefanka gacanta ee Mobile-ka.
Sundus waxaa badanaa ku wada xiriiri jirnay khadka teleefan, mararka qaarkoodna waxaa isku arki jirnay iskuulka, iyadoo uu i soo weeraray cudurkii caashaqa ahaa, hase ahaatee aad ayaa Sundus uga ilaalin jiray inaan ku iraahdo waan ku doonaayaa ama waan ku jeclahay.
Sidoo kale dhanka Sundus ayaa waxaa ka dareemi jiray inay is-jaceshahay ama ay si’aad ah ii dooneyso, maxaa yeelay astaamaha lagu ogaado qofka ku jacel ay kamid tahay, Soo wicitaan badan, hadal badan, kaftan badan, qosol badan, xiiso badan iyo IWM.
Laba sano markaan sidaa uga wada soconay khadka teleefanka, ayaa habeen habeenada kamid ah wacay Sundus, waxaana ku iri waxaan doonaayaa inaan kulano maalin, maalintaasoo inoo noqon-doonto maalin qaas ah, sidoo kale Sundus oo aalaaba ka heli jirtay inaan la-kulmo ama soo waco ayaa waxaa ka dareemay farxad balaaran, waxayna igu tir, “Cadde maalintaas talow maalintee bay noqon doontaa” saa waxaan ku iri waan ka wada fikiri doonaa, kadib ayaa waxay igu dhahday “Cadow adiga ayaa go’aan kuu dhiibay ee inoo tali oo maalin inoo door” kadib waxaan ku iri waa inoo maalinta jimcaha, sidii ayaa ku heshiinay.
Wuxuu waqtiga is-guraba waxaa lasoo gaaray maalintii balanta aheyd, waxaana ku kulanay xaafadda K.P.P ee degmada Hodan, iyadoo xaafadaasi lagu qabay gabar ila dhalatay.
waxaana maalintaas u soo bandhigay Sundus inaan aad u jeclahay, misana gabdhaha reer Muqdisho inaan iyada kasoo xushay, Sundus oo aan awalba iska ogaa inay i jaceshahay ayaa waxay igu soo dhaweysay si kal iyo laab leh, waxaana maalintaasi kusoo kala tagnay anagoo si’aad ah u faraxsan.
Waxaa inoo dhamaaday iskuulkii, waxaana ku heshiinay Sundus inaan is-guursano sidii ayaana ku aqal galnay, sideed bilood kadib ayaa waxaa kasoo tagay magaaladda Muqdisho, anigoo safar dheer u soo galay wadanka Sweden oo aan iminka ku noolahay, isla-markaana waxaa raadsaday shaqo wanaagsan, sidaasi ayaana ku kasbaday lacag wanaagsan, wax ka yar laba sano ayaa waxaa Sweden ku keensaday xaaskeyga ama jaceylkeyga Sundus.
Waxaa halkaasi kasii amba qaadnay jaceylkii inoo dhaxeeyay, iyadoo aan noqonay laba qof oo nolosha wax ka yaqaano, misana waxaa noqonay laba qof oo u dhaqma sida lamaanaha caalamka ugu sareeya oo kale.
Mararka qaarkood markaan ka maqanahay ayay i soo wici jirtay, waxayna igu dhihi jirtay “Macaane maanta waxba maanan cunin, waxaan is-dhahay armuusan macaankaaga waxba cunin, ee macaane hadaadan wax cunin, guriga kaalay oo waxaan doonaayaa inaan wada cunteeno” markaa ayaa waxaan ku dhihi jiray, macaan wax waan cunay oo shaqada ayaan joogaa, ee gacaliso, nafta u roon, qiimo badan, xidigtii haweenkaay, wax ii cun” sidaasi ayay ku cuni jirtay.
Sidoo kale mararka qaarkood intaan ka naxo sida ay daacad igu tahay, misana ay ii jaceshahay, ayaa anigoon waxba cunin soo wici jiray, waxaana u sheegi jiray inaanan waxba cunin oo aan doonaayo inay wax cunto, haddii ay wax cunto xitaa waxaan ku dhihi jiray waa yahayee bal koob biyo cab oo dhibic marka ay colaashaada ku tiraahdo ayaa anna wax cuni doonaa, intay iga naxdo ayay igu dhihi jirtay “ macaane mahadsanid lakin inaad wax cunto ayaa lagaa rabay, madaama aad maanta oo dhan shaqeyneysay.
Sundus Kheyr Allaha siiyee waxay ii qaaday uur laba mataano ah, nasiib daro dhaqaatiirta ayaa waxay yiraahdeyn waxba lagama qaban karo oo lama wada bad baadin karo iyado iyo caruurta, marka waa in iyada ama caruurta mid la-bad baadiyaa, kadib ayaa waxaa go’aan ku gaarnay in iyada la bad baadiyo, hase ahaatee waxaa dhacday inay iyadu geeriyooto oo ay caruurtu bad baadaan.
Waxaa ila soo daristay cidlo iyo murugo baahsan, waxaan sameeyo ayaa garan waayay, Sundus hooyadeed ayaa waxay iga codsatay maadaama ay Sundus iga dhimatay inaan guursado, gabar kale oo Sundus la-dhalatay, si bay tiri ay u bad baadaan ama koritaan fiican ay u helaan mataanaha yar-yar, anigana waxba kama diidin oo waan soo dhaweeyay, sidii ayaa gabadhii ku guursaday oo hada waxay ila joogtaa wadankaan Sweden oo aan ku wada nool nahay.
DhaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaMaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad
Wariye Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
Kuala Lumpur Malaysia
Isha Dhacdooyinka Caalamka
laacib143@hotmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Cade Akhiyoow Ale ha u naxaristo sunduuus aaad ayaana uga naxay xaqiiqda Ileeyn aabo wax dhalaya ayaan ahay ale kuma keenee GAbarteyda Mumtaza Hoyadeeda waa u muhiim nafteydaneh waa u muhiim marka aaad ayaaan Uga naxay lakin RAbi ayaan waxaan ka baryada Inuu sunduuuz janah Firdoowsa ka warabiyo adna Sabar iyo iimaan ka siiyo cade BArakalaahu fiik
inaa lilaalhi wa inaa ilayhi raajicuun. iloaah ha u naxariisto badalkeedo oo kale hakaaga dhigo gabadha xigtada lagu siyay. mida kale adunyaa mataacun waqayru mataacuhaa almaratu alsaalixah. ilaah haka dhigo dhamaan haweenka islmaanka qaasatan kuwa soomaali hawwen saalixiin u ah ragooda farax galiya mar walba. iina so duceeyo anigaba inuu ilaah iga dhigo saalixah