Sidee baa looga bixi karaa dhibaatada ka jirta magaalada Muqisho "Halkaan ka akhriso fikrado kala duwan"
1-salaan kadib aniga hadaan fikradeeda kadhiibto dhibaatada xamar kajirto sida looga bixi karo marka koowaad dowlada oo ciidan fiican suubisato oo iska badasho kuwahada ciidanka u ah kadibna dibada looga keeno kuwii loo balan qaaday oo 20,000 ciidan ahaayeen oo ithopian laga reebo markaas ay dagaal qaadaan insha alaaho waa ay guuleesanaayaan waa haday sidaas suubiyaan lakin inta ay sidaan tahay waxna uma hagaagayaan nimankaan shabaab ladhaho waa niman fikrado kale ku shaqeeyohadii ay ku shaqeen lahaayeen fikradooda waxa qalbigooda gali laheed somalinimo iyoislaamnimo marka hada waxa ay fikrad kaqaataan nin aan somaalinimo aqoonin iyo islaamnimo wabilaahi towfiiq halahaas ayee iiga egtahay waana mahadsantihiin dhacdo iyo shaqaaleheeda oo noofududeesay in aan figradeena kadhiibano dhibaatada xamar kajirto sida looga bixi lahaa
2- waxaan salaamayaa dhammaan shaqaalaha dhacdo intaa kadib haddii aan u soo noqdo su'aasha ah sideebaa lagu dejinkaraa? horta allah(sw) isga uunbaa dejinkara allahna waxaan ka baryaynaa in uu ka dulqaado masaakiinta ku dhimanaysa magaaladda caasimada soomaaliya ee muqdisho oo caasimad u ah Dalka soomaaliya haddii aan u soo noqdo su'aasha
aniga oo ah Axmed C/qafaar C/raxmaan oo jooga Magaalaa Hargaysa waxaan qabaa sida keliya ee xal loogu helikaro Magaalada Muqdisho waa in xoogaga isku haysta talada Dalka Soomaaliya mid uun u soo hadhaa waayo Alshabaab lagamayaabo in ay nabadqaadato sidoo kale dawladuna Alshaabaab ku ma biirikarto sidaa darteed waa in Alshabaab meesha laga saaraa ama Dawlada meesha laga saaraa kaasi waa ra'yigayga alaw sidii roon Soomaalida uu gu tali wanaagana waafaji aamiim aamiin aamiin by Axmed C/qafaar C/raxmaan
3- Bismilaah magaceygu waa xasan axmed yuusuf oku magac dher xasan mici waxan joga limpopo e wadanka south africa mahadnaq dhaman shaqalaha sharafta leh e dhacdo.Com fikradeydu waxey tahay wey adagtahay iney somali ay is afgaro maxa yelay wadanka waxa ka taliya boqol madaxweyne mid kastana wuxu u dagalama in u tiisa mel mariyo marka ima muqdan in la gaarayo xal 50 sano e so socda lkn marnabo kama quusanayo naxarista ebe xisbul islam shabab waa 2bo awod an la inkiri karin hadana uma bisla danaha dalka iyo dadka marka arinta wey cakirantahay e ilahow waxa dhibka wada ada u jeda e ilahow naga qabo wabilahi towfir.
5- nabadu waxay ku xiran tahay muqdhisho waa sidaan
1] waa in somalinad la aqoonsado 2] waa in isbaarooyinkii la badiyo 3] waa in alshabaab muda laga qabto 4] waa in baarlamaanka somalia in la laayo dhamaantood
5] waa in sheekh shariif mudada loo kordhiyo 6]waa in dawlada ku meel gaarka ahi waa inay wasiirada badiso 7] 4'5 waa in laga dhigaa 0.000 8]wasiirada looma dhama ee dadka ka maqan wax halaga siiyo 9] waxbarashada waa in hoos loo dhiga 10] jahliga waa in kor loo qaada
11] beeraha waa inaan la abuuran 12] waa in wfp cunto la waydiisto 13]waa in wadnka laami fiican la saaro 14] miinooynku waa yaryihiine waa in si fiican loo badiya xabaalida miinada
15]kookadu waa xaaraan 16] faantadu waa xalaal 17]hilib geel hadii aad taabato ka waysayso
18] lacag aad soo dhacday dharka aad ka gaday waad ku tukan mucjiso
19] gabdhaha waa in kuli garoob laga dhigaa 20] aabahaa seedigiis muxuu kuu yahay
21] yaadtahay 22]waan ku arki jiray 23] aabahaa ii sheeg awoowga aan gartee
24] isku qolo baannahay 25] soo ina hebel maahid 26] awoowga iyo awoowgay 2 bay kala socdaan 27] waagaan is laynay meeqan idinka dilay nacalaa kaa taagan
28] walaahi geesiyaal baanahay 29] xagee yurub laga galaa tahriibta iiga waran
30] galabta bbc maxay sheegtay
arimahaas oo dhan waxaa laga hela somalia oo kaliya miyi iyo magaalo shiikh iyo caamo waa isku mid soo qore xarraan yusuf xarraan
6- Asc bahda webka dhacdo wan idin salamay runtii aad ayad ugu mahadsantihin fursadan qaliga ah oo aad nasiiseen my name wa cabdi nur cabdule gedi waxan joga kenya hadan kahadlo fakerkayga magalada muqdisho waxan qaba haday kabaxan amisom inay hagagi lahayd
7- Asc. Horta Somalia dhowlad wadanka dejisa siday uga dhalataa waa adagtahay runti. Awoda allese wa goni sababtu waxay tahay Shacabka Somaliyed o an donayn Dowlad nimo waxay kula saftan qofwalba o fakrado khaldan iyo mid u gaara wata! Lagama yabo in dibdanbe Calankeni Buluuga ahaa laga taago Somalia ilaa ay kadhacdo 3 days in la dilo 3 million people! Caalamku wuu hagraday mahee wuu hagardaamiyay Somalia. Hadii Calan Somalia la rabo in dib loo taago waa in Dalka lakena 100,000 Boqol kun o ciidan ah o la geeyo dhamaan Gobolada dalka kadibna la toogto qofki qori lagu arko! kadibna Madaxwayne Shacabku raali ka yahay o dowlad so dhisa la taaga kadibna ciidan xogan o aminiga suga la dhisaa.
8- ''Asalamu Alaykum'' Waxay dhamaanteed u idlaatay Allah S.W.T marka labaad waxaan u mahad celinaa Shaqaalaha Shabakada www.dhacdo.com hadaan fikirkayga kuda galo fikir kayga ku aadan Xalka Caasimada Muqdisho waa sida tan.
Waqti ku dhaw 20 sano ayay muqdisho deris la ahayd Dil,Dhac, Kufsi, Afduub, Qax, Sicir Barar, Cuduro, Dagaalo, IWM.
Marka laga reebo 6 dii bilood ee maxaakiimta muqdisho waxay ahayd Kawaankii dadka.
Horta dhibaatada waxa Muqdisho u horseeday waa Dawladihii isku soo daba maray ee kid walbaba islahaa Ciidan shisheeye ku qabso Caasiamda dalka si aad u xukunto mid walbana waxaa aw is tusay in hadiia w Mudisho qabsado in wadanka dhan gacanta ugu jiro sidaas awgeed ayaa madaxdii dalka Ciidan shisheeye u keensadeen muqdishana noqotray Hoteelkii ay ku soo degi lahaayeen, xitaa Shariif uu ahaa Higaamiyihii kacdoonkii 2006 maata ciidan shisheeye ayuu xal u arkaa sidaasna xal maahan C/Yusuf uu ka ciidan badna ayaa Islaamiyiinta uu intaan ka awood yaraa wax ka teri waaye lakin ani waxaan halka ku soo gaba gabaynaa in Shabaabka aya augu awood badan wadankee lala heshiiyo wax ciidan shisheeye la dhahana laga saaro wadanka Shariif maalintii la doorte hadii aw inta Muqdisho ak sood ego oran lahaa adinkaa shacabkaygii ah ciidan shisheeyana xal nooma ahan ee maxa anoo xal ah ?? waxaan huba ain sidaan wax dhaami lahaayeen Insha'Allah muqdisho sidaan way ka bixi doontaa Ciidankaa shisheeyana wadanka halaga saaro gaar ahana muqdisho uu kuwa walba soo abaaraan . magaycu waa ''Bashiir Mcalin Cali ''AbuXudayfah'' Wxaana joogaa Sweden. ''Wabillahi Tawfiiq”
9-My full name wa cabdi nur cabdule geedi joga kenya waxan qaba magalada muqdisho hal awood inay kuficnan lahayd maxa yelay hada waxa iska soo horjeda laba awood mid inuu iska baxo aya ficnan lahayd ma'ogtihin hadii hal awood qabsato dhimashada dadka shacabka ah aya yaran lahayd dadkuna maqaxeen maxa yelay hal awod aya haysta.
10-Asalaamu caleykum walaalayaal marka hore illaha aya mahad iska leh anigo ah ciise jaamac mohamed joogana dalka south africa hadiin an fikradeyda ka dhiibto mid walax nabad wa loogu heli kara caasimad muqdisho o 2o sano deb ka hol caayay wa iyado lahelo toofiiq balaaran o ilaah laga cabsado o labaryo maahane qoray caaradii nabad lagu helima wa sey iniga ilatahay walaalayal muqdisho wa caasimadeyna e hanaga hoojina intaas aya iga dardaarama salaamu caleykum dhacdo.
11-SALAN QALI AH AYAN HAWDA UMARINAYA SHABAKADA DHACDO.COM gar ahan saafiyinta ka hawgala ee ad uqimeya akhristayasha sharfta leh siya fursadoyin ay codkoda uga dhibtan iyo ra.yigoda hadi an dhex galo aniga ra.yi ahantayda muqdisho alla wax walba awooda lakin nabad kama so socto hadi an ka hadlo qabka loga bixi karo dhibkan wllhi wax walba alla awooda lakin hadi an is dhaho waxa loga bixi kara in gacan la isa siyo lana tix galiyo nin walba oo wadani ah somali ah rayigisa la iska dhafo ajanibta warkoda kuwan ay watan 2ba qolo e isku hayso magalada muqdisho ajanibta ay watan hanaga baxan waxa hubal ah in ay somali hishinayso lakin dad aya naga dhex shaqaynaya oo anan rabin in anu nabad helo hadi an gacmaha is qabsano wan helayna nabad MAHAMDSANIDIN DHAC.COM {WA OMAR MUHUDIIN MA ALIM OO JOGA MAGALADA IGANDHA GAR AHAN CASIMADA KAMPLA }]THANKS.
12-Asc.markahore magaceyguwaa Axmed cumar xeyd ooloyaqano dhagacade hadi Aan kahadlo xal uhelida magalada muqdishu marka hore waa in ey kabaxan ciidamada Amison dalka somalia maxa yeelay waxan kaderis Aheyn makeenikaran eehalesaga dhexbo somalia hahe shiiyano Ama hadagalane waxan uleyahay sidaa ciidamada Amison imisasano Ayey jogan dalka somalia maxey sokor dhiyen oo Aan xasuuq Aheyn koley Aniga ilama Aha in eywax sokordhinkaran xataa hadii lakeno 50kun oo ASgeri xalmakeni karan eyan lagu dalin ciidamo nabad ilalin lagusheego Adunka majirto mel eynabad kusooceliyene meqawadan Ayaa lageyay maxey nabad ugu sooceliwayen marka yan nabad lagaradin mel eysan jirin nabad Allahay wiq ayey leyihin wax walba waqtigeda Ayeyna sugeysaa dhawatee iyo dherateba wadna mahad san tihin bahda shabakada warbahin dhacdo.com
13-Asc wr wbr ugu horayn waad salamantihiin dhamaan howl wadenada shabakada dhacdo waadna kumahadsantihiin jaaniska aad nasiisen itaa kadib magacaygu waa mukhtar ibrahim mohmed wadanka aan ku noolahay waa konfur afrika fikrada aan qabaahu waxa ay tahay in amison laga saaro muqdisho kadibna laga saaro shabaab nimanka sheegta kadibna dowlad sheercada ku dhaqanta laga dhiso magalada muqdisho gudaheeda intaa markii lahelo xal way helayaan reer muqdisho lakin inta ladhahayo amison wayna caawinayaa ama nin denbila ka ah dalkiisa lagu oranayo waa mujaahid reer muqdisho sidaan ayay udhamaanayaa marka waa in ay aaya hooda katashtaan runti marka la yiraahdo waxaa imaanaya itopia qof walba oo wax garad ah misa damiir leh aad iyuu uga caroonayaa balse waxaan aad ula yaabanahay hadan nahay reer muqdisho nimanka shabaab ah sida ay dadka ula dhaqmayaa ugu danbayntii alaah waxaan ka baryaa in uu xal deg deg ah udhaliyo wadanken ninkii kasoo tagay ayaa garankara qiimahiisa allaah maxay doqonpu dalkeenii burburisay.
14-Asc dhaman wariyasha dhacdo magaceygana waa c/wahaab mohamed abdi {gaabshe} waxan joga kenya-nairobi gar ahaan xafada eistlight ama{islii} waxan ku dhashay magaalada muqdisho sanadku marku ahaa 1989 inta kadib waxan dhihilaha dadka reermuqdisho iney ilaah u towdadkenan waxan wa masibo ina heysata xalkana wuxuu ku jira in marka hore ALLAH la xasus nado maraka xigtana lays cafiyo lkn intay jirto kana waa gaal kana waa qawarij waxana ma hagagayan waxna ma kala soconayaan.
15-s/c waan idin salamay dhamantiin aad ayaad ugu mahasan tihiin arinta aad soo bandhigteen dhibatada nagu dhacday waa mid aad uweyn oo naga reebtay aduunweynaha oo dhan caruurta soomliyeed ee ku nool qurbaha jidadka kuma marayaan si raaxo ah waa la ceynayaa oo la leeyahay waxaad tihiin( pirate )waa caruurn aan arkin soomliya waligood. aniga ahaan waxey ila tahay in laga saaro waddanka ciidamada shisheeye kuwa sheegayana dowlada iskaga soo tagaan ,markaas baa la arki doonaa sida ey waxyeelayaan mucaradka inta dhimatayna in ka badan ma dhimaneyso intii harta ayaa waddanka nabad ku noolaaneysa dowlad xuma dowlad la,aan baa ka roon ma noqon sidii la rabay shariifka. soomlina ma rabto faragalin shisheeye waa dad madex adeg marka bal ha loo firaaqeeyo waxaan ka mid ahay qurba joogta soomliyeed waxaan ubahanay waden keena? waxaan rabnaa nolol?dhul baan laheen cimilo wanagsan leh? waddanka in la qabsado ayaan nala rabtaan? haddi aad tihiin mucarad s/cwrwb
16-waan in salaamay walayaal salaan ka dib hadii aan isku dayo sida loga bixi karo xalada xun aay hada ay ku jirto caasimadaa dalka somalia ee muqdisho waxaa looga bixi karaa in aay dhalin yarada oo dhan aay gacmaha is qabsadaan oo aay aay isku dhigaan qoriga aan la baadan sano ku aan ku bur burin dalgeena oo aan qaadanaa qalinka wax walbane oo dhacan aan iska iloownaa oo aan ka fikirnaa waxaa soo socda loona daneeyaa shacabka iyo wadanka aniga tas ayaa ila haboon brothers ee wabi laaaaaaaaaaaaaaaaaaaahi tofiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq ASC
17-Asc magacaygu waa galad mahomed cabdi oo kunool wadanka uk waxaa loogabixikaraa dhibta iyo qalala.laasaha kajira wadankeena 1 in horta la isku tanaasulo dadka somaliyed oo isku haayaa siyaasada somalia 2 waa in la iscafiyo la iskana bxiyo ciidamada jooga somalia oo ayadu ay tashadaan dhexdooda waxa kadhaxeeya oo dalka iyo dadka ah saas ayay kusoonoqonaysaa qarankii somaliyed iyo sharafkii umada somaliyed ani saas ayay ila tahay fakar,ahaan tayda.
18- Asalamu alaikum bahda webka dhacdo runtii waad kumahadsantihin fursadan qaliga ah oo nasiiseen hadan kahadlo fakerkayga ku'adan xal uhelida magalada muqdisho waxan qaba magalada muqdisho in ay hal awod kataliso maxa yelay laba awod kama talin karto hal awod haday kataliso dhimashada iyo barakaca dadka shacabka ah aya yaran lahayd
19-Marka hore dhamaan waan salaamayaa habda wararka ee dhacdo. Marka labaad cid kasti oo jecel nabada iyo horumarka umada soomaaliyeedna waan salaamayaa. Salaam ka dib hadaan marka hore yar iftiimiyao dhibaatada soomaaliya guud ahaan gaar ahaana muqadisho waxaan ku tilmaami karaa in ay tahay dhib ku soo boodo ku noqotay dadka soomaaliyeed ama si filan waa ah ugu dhacday, tiina keentay in dadkii oo u baran dhibaato baaxadeedu intaa leeg tahay in ay ku habsato ay ku habsatay. Iyada oo la og yahay waxa soomaaliya gaadhay iyo sida ay soomaalidu wax ku dhamaysan jirtay oo ahayd geed hoostii ayaa waxaa la dhax keenay ama laga iibinayaa fikrad ku salaysan shirar dibada ah iyo wax ayna dhaqan iyo caado toona u lahayn taasi ayaa keentay in la waayo tanaasul iyo samir loo samro wixii dadka loo soo yab yabay meeshay doontaba ha ka timaadee. Markaa anigu waxaan u arkaa xalka soomaaliya saddex mid kood in uu ku iman karo. 1= in ay dadka soomaalidu marka hore toobad keenaan Illaahayn u noqdaan kuna soo laabtaan dhaqan koodii ahaa waar geedka hoostii ina keena.
Tusaale noolna waxaa u ah Somaliland iyo putland. 2= in la isku daayo oo midka soo hadha la taageero. Tusaale nool waxaa u ah maxaakimtii iyo qab qablayaashii muqadisho ku kala hadhay. 3= iyo in lagu xukumo kitaabka Alle oo laga daayo faro galinta shisheeye ee ka dhigtay dhiigii soomaalida mashruuc ganacsi.
20-Asc. Bahda shabada dhacdo.com magaceygu wa uweys cubeyd macalin oo joga kakuma kenya fikir ahaan aniga waxay ila tahay muqdisho waxay kudagi kartaa in qolyaha dadka afduubka ku haysta oo diinta ku qarabanaya laga saaro dalka hadan inyar kataabto sida ay dadka afduubka ugu haystan mudaharaadyadii ay asbuucii tagay qabanayen waxay dadka ku dhahayen intey guryaha ugu tagaan: bari bananbax aya jira waxana lagu kala ogaanaya dadka islamka taageersan iyo dadka gaalada taagersan. Bal ufiirso arintan yuuyahay ruuxa guri ku hari kara oo ka maqnankara bananbaxaas? Jawabt wa qofna illen qof waliba wuxu isleyahay yaan lagugu shaabadeyn gaalada aya taagertaa.
21-Salaamu caleykum walaalayal meel kasto oo aad joogtan anigo ah ciise jamac maxamed joogana dalka south africa hadan fikradeyda ka dhiibto caasimada mugdisho o 2o sano holceysay waxey nabad ku heli karta iyado lamidoobo o mid far ah lanoqdo wa intas kaliya.
22-Anigoo arday Soomaaliyeed oo wax kabarta dalka Masar, Jaamacadda Al-Azhar Alshariif, waxaan umalaynayaa in arinta Murugsan ee Magaala-madaxda dalka Soomaaliya lagu xalin karo halway oo ah: In Xukunka Dalka lookala qeybiyo arimo gude & arimo dibad oo markaas wixii gudaha ay maamulaan Islaamiyiinta kagadoodsan Madaxweynaha iyo dowladiisa, iyo in arimaha dibadda loodaayo Madaxweynaha iyo ragga qunyar socodka ah ee aduunweynaha laheshiinkara dhibla'aan oo markaas qolyaha Islaamiyiinta laga dhaariyo inayan faraha lasoo galaynin Siyaasadda dibada ooy kukoobnaadaan ka hergelin Shareecada Islaamka gudaha dalka Soomaaliya oo qura,لايكلف الله نفساإلاوسعها .
waad mahadsantihiin. الله أعلم.
23-ASC WRWB
Walaalo yaal marka hore waan idin Salaamay meel walbo oo aad Dunidda ka joogtaan waxaan si Gaar ah U Salaamayaa Bahda Wariya-yaashaIsha Dhacdooyinka Caalamka ee www.dhacdo.com oo Fursadaan Qaali ah Na siisay.
Magacaygu Waa Diini Mohamed Hassan (Diinicirro) hadii aan guda galo Fikirgayga ku aadan (Sidee baa looga bixi karaa dhibaatada ay la-foolaneyso magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.) FILIMKA ka socda Muqdisho waa filim uusan Dhimaneen Kaabo Laadirkiisa. Laakiinse waxaan qabaa waxaa Dili karo Hadii la hello Muwaadiniin Aqoonyahano Soomaaliyeed oo DIINTA,SHACABKA IYO DALKA daacad u ah oo aan ka qayb qaadan Wixii ka dhacay Somalia markaas waxaan qabaa in uu dhimanaayo Kaabo Laadirkaas20 jirsaday , Aduunka inta badan Way ka dhaceen Dagaalo sugeeya laakiin Wili mala sheegin kan ka socda Muqdisho oo kale, Laakiinse lagama Quusto Naxariista ALLAAH Maalin uun waa istaagi doontaa INSHA ALLAAH.
Nin dhiig daadinaayoo Xil ku doonay waa Duli
Nin Dagaal jeclaystoo Nabad diiday waa Duli
Nin dalkiisa nacayoo Dab ku shidaayo waa Duli
Waxaan duxi karaaceen Nin ku daalay waa Duli
Dhisco wacan nin dumiyoo Daawanaayo waa Duli
Prepare By: Diini Mohamed Hassan (Diinicirro)
24-Markahore waxaan halkaan kasalaamayaa shaqaalaha dhacdo.com waxaan uga mahadcelinaayaa fursadaan qaaliga ah ee aat nasiiseen hadaanu nahay dhalinta qurbajoogta ah after that waxaan leeyahay arinta kaliya ee looga gudbikaro dhibaatadaan heesato somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho waxee tahay in shacabka somaliyeet ay iska dayaan taageerida lakala taageeraayo labadaan dibe ee aan aqli habayarate laheen kadibna ee ugu baaqaan wadahadal cidii diidane eey ladagaalamaan ayagoo garbaha isheesta wlh intee Kala taagerayaan in uusan xal imaaneenin waa ogeedeen birigii maxaakiimta shacabka ayaa taageeray hadii shacabka uu halmeel taageero gaar ahaan dowlada waxaan umaleenayaa in meeshaas eey nabad iyo dibudagit ka imaaneeso marka waa sidaas rayigaaga anigoo ah yacquub Hassan oo kunool Canada waana kumahat santihiin marlabaad walaalayaal.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
waad salaamantahiin aniga waxaan u arkaa hadii la iska dhaafo ciidamo shisheeyo in uu hagaagaayo wadanka alla waxaan ka baryaa in uu naga saaro dhibka aay ku jiraan uma somali
asc salaan kadib hadii aan guda galo dhibatada somalida heesataa oo aay kadagi la dahay waxaa ka mid ah calooshis u shaqeesto oo aan wadan iyo dad shaqo kula laheen ayaa ka mid ah hadii laga qabto dadkaas waa uu hagaa malin walba mid ayaa soo baxaa oo aan naxariis laheen marka alla waxaan ka baryeenaa in uu naga qabto dadkaas manaxayaasha ah fikradeeda waa hadii laga saaro ciidamada shisheeyo waa uu hagaagaa ayaan qabaa aniga waana mahadsantihiin
Several men say that purchaseLouis Vuitton Doctors Bag is one way to follow a female. How canLouis Vuitton Pochette Plate PM realized men's envisage of marring a lover? And the separate of men is proper large than the wares of women, which way statesman and author men give beautify the bachelors who can't comprehend woman. Weisman said: Men are 10 times more afraid of marrying the unjust someone than of never deed married at all. The position becomes writer and statesman sober made by the collection instability. How to deed a wife has transform one hot matter among men. DoLouis Vuitton Cabas MM work? No man can gain a hope that he can wed a lover only by buyingLouis Vuitton Stephen orLouis Vuitton Polly. But maybe it truly entireness in whatsoever situations, which depends on the lover whom the man is chasing. If the fille is one of the addicts ofLouis Vuitton Adele, the way of sending the filleLouis Vuitton 6 Keys Holder would apply. But when a man is chasing a girl who is very nonindulgent, then the way is not a rattling suited way. Men should copulate that a concrete better girl is a miss who can reserve much money for ancestry or for others, but not only herself. Men should wide eyes countrywide to hit a wonderful woman who isvery pro-familyLouis vuitton. To happen a relative who is a rattling unattractive and humiliated mortal is rattling big. Every man knows theLouis Vuitton Diaper Bag that staying one is outperform than finding a worseLouis Vuitton Saumur. A watched pot never boils. That is the spot of men to romance a partner. And we can't never say that if a missy who are inclined of buyingLouis Vuitton Bucket PM is a bad woman.