Jaamacadda KLMU waxay ku taallaa magaaladda caasimadda ah ee Kuala Lumpur, iyadoo ay Jaamacadda bixiso dhamaan kuliyadaha kala duwan ee waxbarasho, xilliyadii ugu dambeyey waxaa Jaamacadda ku soo badanaayey Arday Soomaaliyadeed oo ka kala imaanaya dhamaan wadamada caalamka.
Bishii aanu soo dhaafay mar ay booqasho ku yimaadeen gudi ka socdo dhanka waxbarashada ee dalka Malaysia, ayaa waxay aad u amaaneyn Jaamacadaan, iyagoo soo dhaweyey qarashka faraha badan ee ay jaamacadda ku bixineyso ay ka dhiseyso xaafadda Wangsa Maju ee Magaaladda Kuala Lumpur taasoo ay ugu tala gashay in ay kor u qaado heerka waxbarashadeed ee Ardayda.
Haddii aanu waxyar ka sheegno Kuliyadaha ay Jaamacadda Bixiso ayaa waxaa kamid ah sida, dhamaan qeybaha kala duwan ee (IT) information Technology, Software Engineering, Nework Engineering, Computer System, Computer Engineering. Business, Accounting, Finance, B Management, E-business, Hospitality AND Tourism, Iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee caafimaadka, iyadoo qarashka caafimaadka uu yahay mid macquul ah.
Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah iyadoo qeybta Ardayda Ajaaniibta uu madax u yahay Wiil Soomaaliyadeed oo lagu magacaabo C/laahi Cali Maxamed (C/laahi Suldaan), waxaa inoo suurta gashay in’aan wareysi la-yeelano Mr Suldaan, waxaana wax ka weydiinay tirada Ardayda Soomaaliyadeed ee hada Jaamacadda wax ka dhigata, wuxuuna inoo sheegay in ka badan 70 Arday oo Soomaali ah in’ay hada Jaamacadda wax ka dhigtaan, wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay sanadka cusub ee 2011-ka in Arday badan oo Somaliyadeed ee bilaabi doonaan, kuwaasoo dhawaan iska soo diinwaan geliyey Jaamacadda.
Ugu danbeen Arday wax ka dhigata Jaamacadaan ayaa waxay ka kala yimaadeen wadamo badan sida, Somalia, Sudan, Kenya, Uganda, Yemen, Saudi Arabia, Oman, Cameroon, Negeria, Tanzania, Ghana, Every Cost, Sambabi, Ereterea, Masar, Falastiin, Zambia, Jabuuti, South Africa, Indonesia, India, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Filibiin, Lesotho, Chat, Mozambiq, Algeria, Libiya, Congo, Rwanda, Suuriya, Sri lanka, Vietnam, China, Afganistan, Turkey, Cambodia, Thailand, USA & Canada (North America) iyo England.
Daawo Sawirada



Nagala Soo Xiriir dhacdo@gmail.com ama dhacdo@gmail.com
|
Dadaalaa waa Gaaraa, Bartaa waa Gurtaa, Waxaa barata baaskaya
Dhalinyaroow mele walba jooga waxaad ogaataan beri wadanka wa aloo soo laabaanaa markaas qof walba waxa aw la soo laabto ayaa luuga fadhiyaa saana wadanka ma ahaan doono insha'Allah ee waxbarashada ku dadaala